Friday, May 17, 2024

Wasiirka Maaliyadda oo Ganacsatada Muqdisho ugu yeeray inay bixiyaan Canshuurta Dowladda

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa ugu baaqay ganacstada Muqdisho inay bixiyaan canshuurta dowladda.

Wasiirka oo saxaafadda la halday kadib markii uu kasoo laabtay shirar uu magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta kula soo kulmay ganacsatada waaweyn ee dalka ayaa ka hadlay cabasho ka timid ganacsatada Gobolka Banadir, isgoo ugu baaqay inay canshuurta dowladda bixiyaan.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in canshuurta la kordhiyey aanay jirin, wuxuuna caddeeyay jiritaanka  canshuur gaaraya Toban canshuur oo Ganacstada waajib ay tahay in laga qaado, balse duruufo jiro awgeed ay ku soo koobeen oo keliya ilaa Saddex canshuur.

Ad

Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo ganacsatada, horena uu kula soo kulmay Dubai Imaaraadka Carabta, isagoo ka soo dhaadhiciyey qorshaha dowladda ee kordhinta canshuurta si isku filnaasho  ay u gaarto dowladda.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa beeniyay in dekadda Muqdisho ay xiran tahay sida ay sheegeen ganacstada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in shaqada dekadda ay caadi ku socoto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON