Sunday, May 12, 2024

Wasaaradda Gaashaandhigga DFS oo War kasoo saartay Dagaalkii Jowhar

Wasaaradda Gashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomalaiya ayaa War kasoo saartay dagaal agagaarka Garoonka magaalada Jowhar ku dhex maray ciidamada Danab ee xoogga dalka iyo ciidamada ilaalada Madaxtooyada Hirshabeelle oo galbinayay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Qoraal Faafin degdega oo cawa kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay dhacdadii Galabta ka dhacday nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

“Wasaaraddu waxa ay xanuunka la qaybsanaysaa Masuuliyiinta iyo Ciidamada ay halkaasi waxyeeladu kusoo gaartay. Taliska Ciidanka Xoogga iyo Maxkmadda Ciidamada qalabka sida waxa ay bilaabeen baaritaanka falkaas,waxaana si deg deg ah Cadaaladda loo horgayn doonaa ciddii ku lug yeelata dhacdadaas” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Ad

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay u taaganyihiin una hurayaan Naftooda difaaca Dadka, Dalka iyo Diinta, falkasta oo intaas liddi ku ah,ma ahan mid matala habdhaqanka iyo anshaxa Ciidanka xoogga Soomaaliyeed.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON