Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo booqashadii ugu horeysay ee rasmi ah uu ku tegay.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kulamo la yeelan doona madaxda dalka Kenya, isagoo dowladda Kenya la saxiixan doona heshiisyo kala duwan oo ku saabsan Ganacsiga, Amniga iyo Dhaqaalaha.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Heshiisyada Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixan doonaan laga reebay Qaadka oo ah ganacsiga ugu weyn ee labada dal ka dhaxeeya oo dowladda Kenya ay dooneysay in si rasmi ah heshiiska uga mid noqdo, balse la sheegay in xafiiska Madaxweynaha uu ka reebay.
Kenya iyo Somalia ayaa si weyn isugu soo dhowaaday kadib markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud `may 2022, iyadoo labada dal uu xiriirkooda gaaray heerkii ugu xumaa xilligii Madaxweyne Farmaajo.