Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Sayid Cali Cabdi oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo dhowaan lagu dilay iska hor imaad ka dhacay gurigiisa oo kuyaalla degmada Boondheere.
Sarkaalkan oo dilkiisa ay ka gadoodeen qoyskiisa ayaa baaritaankii dowladda ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid ku dhacay si kama’ ah, isagoo ku dhintay is-rasaaseyn aan loogu talogelin, sida uu sheegay Xildhibaan Cusmaan Xaadoole.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamada falkan ku lug ahaa ay ahaayeen ciidamo gaaraya 30 oo dhammaantood aan loo maxkamadeyn karin dhammaantood, kuna dhamaatay in diyo laga qaato, iyadoo diyada ay bixineyso Hay’adda NISA.
“Hay’adda NISA ayaa dhabarka u ridatay wixii dhacay, khaladkana iyadaa nagala xaajootay anaga iyo qaraabada, Hooyada iyo Aabaha; waxayna bixiyeen diyada Wiilka oo 100 Halaad lagu qiyaasa..” ayuu yiri xildhibaan C/raxmaan Moobleen oo ka mida xildhibaannada kasoo jeeda Beesha Sarkaalka.
Hay’adda NISA ayaa la sheegay inay bixiay oo Qoyska sarkaalka la dilay ay siiyay lacag gaareysa 45-kun oo dollar oo Diyo ah, sida uu sheegay Aabaha sarkaalka.