Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyay go’aankii dowladda Somaliya ku gaartay in la xiro, lana soo gabagabeeyo howshii Xafiiska Siyaasadda UN-ka ee UNSOM.
Afhayeenka UNSOM Ari Gaitanis ayaa caddeeyay inaysan lama filaan ku noqon qoraalka Dowladda Somaliya iyo in la soo afjaro howsha xafiiska UNSOM, isla markaana ay diyaar u yihiin inay u hoggaasamaan dalabka dowladda Somaiiya.
Wuxuu sheegay afhayeenka inay Arrintan caddeyn u tahay shaqada UNSOM qabatay iyo taageerada ay siisay dowladda iyo maamullada Soomaalida. Wuxuu intaas ku daray in UNSOM ay ku jirto go’aanka Golaha Amniga ee Q/Midoobay, markii loo baahdana ay howsheeda dhammaan doonto.
“Ma ahayn go’aan laa filaan ah, horeba waxaa u socday isbedel kala-guur ah oo lagu sameynayo xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM” ayuu yiri afhayeenka UNSOM Ari Gaitanis oo u warraay VOA.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliya Axmed Macalin Fiqi ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay inaan dib loo cusboonaysiin Qaraarka tirsigiisu yahay 2705 ee uu ku howlgallo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaasoo waqtigiisu ku egyahay bisha December ee sanadkan 2024.