Saturday, October 12, 2024

Ciidamada Dowladda oo howlgal ku khaarijiyay Nabadoonkii Alshabaab ee Beesha Hadamo

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Goboloka Bakool ayaa fuliyay howlgal lagu khaarjiyay nabadoon caan ah oo Alshabaab la shaqeeya, kana tirsanaa Guddiga Nabadoonada ee hoostaga Alshabaab.

Sida lagu sheegay war kasoo Ciidamada Xoogga dalka Howlgal qorsheysan oo ay xalay fuliyeen ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa lagu khaarijiyey horjooge Cabdulaahi Maxamed Yare (Malaaq Qori).

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Garasweyne oo 50km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Xudur, waxaana nabadoonka Alshabaab ee la dilay lagu sheegay inay Alshabaab amarkiisa ku go’odoomiyeen magaalada Xudur.

Ad

Dhinaca kale Alshabaab ayaa xaqiijisay dilka Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Yare oo ay sheegtay inuu hoggaan u ahaa dhaqanka beesha Hadame, waxayna dilkiisa ku eedeysay caddow weerar ku qaaday Gurigiisa, xilli uu kasoo baxay salaadii Cishaha.

Waa howlgalkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ciidamada dowladda ay ku fuliyaan xubin ka tirsan Alshabaab oo qaab khaarijin ah loo fuliyay, iyadoo Alshabaab ay sheegtay inay u aargudi doonto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON