Iska hor imaad ayaa meel u dhow Garoonka Magaalada Jowhar ku dhex maray ciidamada Madaxtooyada Hirshabeelle oo galbinayay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Ciidamada Danab ee fadhigoodu yahay magaalada Jowhar.
Guddoomiyaha Baarlmaanka Hirshabelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa ku sii jeeday Garoonka diyaaradaha Jowhar, isagoo ku scoday magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inay rasaas ku fureen ciidamada Danab.
Dagaalka labada dhinac oo dhaliyay qasaare kala duwan ayuu Guddoomiye Luqmaan Xaaji sheegay inay lama filaan ku ahayd inay rasaas ku furaan ciidamadii dowladda ee Danab.
Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in ciidamadii ilaalada u ahaa qaar ka mid ah ay ku dhinteen rasaastaas kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.
Qaar kamid ah xildhibaanadii Hirshabeelle ee la socday Wafdiga ku dhaawacmay isku dhaca labada dhinac, iyadoo qaar ka mida ilaalada Madaxtooyada Hirshabeelle ay ku dhinteen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo dalbaday in dowladda Federaalka ay arrintan soo dhex gasho.
Wararka ayaa sheegaya in arrinta maanta dhacday ay salka ku heyso dagaal shalay dhex maray ciidamada Danab ee iyo ilaalada Madaxtooyada Hirshabelle oo ku dagaalamay gudaha magaalada Jowhar, iyadoo lagu dilay Askari ka tirsan Danab iyo Qof rayid ah, askari kalena looga dhaawacay Danab.
Taliyaha ciidamada madaxtooyada oo lagu eedeynayo dilka shalay dhacay iyo ciidamada falkaasi geystay ayaa la shjegay inay ka mid ahaayeen wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.