Tuesday, May 21, 2024

Afhayeenkii Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilkii laga qaaday iyo Mid cusub oo la magacaabay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa afhayeen cusub u magacaabay Wasaaradda, isagoo xilkiika qaaday afhayeenkii hore Jen. Cabdulli Cali Caanood.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo saaray wareegto uu X/le Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud ugu magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Magacaabista ayuu sabab uga dhigay dardargalinta hawlgalada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo kooxaha khawaarijta, wuxuuna mahadceliyay Afhayeenkii hore ee Wasaaradda.

Ad

Afhayeenka cusub ayaa hore u ahaa madaxa wacyi gelinta ciidamada, waana sarkaal dhalinyarro ah oo dhinaca diinta iyo anshaxa kala talin jiray ciidamada Xoogga Dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON