Friday, May 17, 2024

Soonka Laacibka Mohamed Salah ee Fiinaalka ee Horyaallada Yurub oo Dood weyn ka dhalisay Baraha Bulshada [Sawirro]

Baraha bulshada dadka carabta iyo jamaahiirta taageerta laacibka kubadda cagta ee reer Masar una ciyaara kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa waxaa hareeyay dood ku saabsan Soonka laacibkan iyo inuu furi doono ciyaarta kama danbeysta ah ee dhex mari doonta Sabtida kooxaha Liverpool iyo Real Madrid.

Sawirro muujinaya Mohamed Salah oo aad u daallan, lana tababarranaya kooxdiisa ayaa sii kiciyey doodan iyadoo wargeysyada qaarkood ay kasoo xigteen ciyaaryahanka reer Masar inuusan marna soonkiina iska furi doonin ciyaarta darteed, maalinta sabtida ahna uu soomi doono ka hor ciyaarta.

Ciyaarta kama danbeysa ah ee koobka kooaha Horyaallada Yurub ee ka dhici doonta magaalada Kiev ee dalka Ukraine ayaa soonku qaadanayaa 18 saacadood oo ah waqti aad uga dheer kan caadiga ah ee laga soomo Afrika iyo Bariga Dhexe.

Ad

Ciyaaryahanka Mohamed Salah ayaa hore looga soo xigtay in guusha uu ka gaaray ciyaarta kubadda cagta ay ahayd mid u Alle u hibeeyay, isaguna uusan waxba ka bedeli doonin cibaadadda soonka.

Sidoo kale laacibka kale ee ay isku kooxda yihiin Sadio Mane oo isna ah muslim ayaa la sheegay in laga yaabo inuu soomo, sida Mohamed Salah oo kale. Waxaana arrinta Mohamed Salah ka wadahadlay kooxda Liverpool iyo Madaxda xulka dalka Masar.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON