Sunday, May 19, 2024

Soomaali laga soo tarxiilay Sacuudiga oo looga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo

Dadkii ugu horeeyay Soomaali laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga ayaa xalay kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Diyaaradda Daallo oo siday 132 qof oo Soomaaliyeed, una badnaa haween iyo Caruur ayaa xalay kasoo degay Garoonka Muqdisho, waxaana Warbaahinta Qaranka ay sheegtay in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu amray in dadkaasi laga soo daadgureeyo dalka Sucuudi Carabiya.

Dadka adeegsada Baraha bulshada ayaa si weyn u dhaliilay in Madaxweyne Farmaajo looga mahadceliyo ama waxqabad looga dhigo Soomaalida laga soo tarxiilay Sacuudiga ee lagu soo celiyay dalkooda.

Ad

Waxaa lagu wadaa in Duulimaadyo kale ay yimaadaan magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradii ugu horeysay garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON