Sunday, May 25, 2025

Fiqi iyo Ciidamo uu watay oo lagu wareejiyey xaruntii Xerta Sh. C/weli Cilmi Yare ee Gaalkacyo

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa la wareegay xaruntii Xerta Sh. Cabdiwali Sh. Cali Cilmi Yare oo Alshabaab ay qarax ku dileen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa xarunta Xertaasi oo ahayd Goob ay leeyihiin Haweenka Gaalkacyo saaka kormeer ku tegay Wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Macalin Fiqi oo ay la socdaan Sanator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), wasiiro ka tirsan Galmudug iyo Maamulka Magaalada Gaalkacyo, iyadoo ciidamada Booliska Galmudug ay la wareegeen xaruntaasi.

Xarunta Haweenka Gaalkacyo waxaa in muddo ah gacanta ku hayey oo dhistay Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali, kadibna waxaa la wareegay xertiisa, waxaana saaka ay u soo gacan gashay Maamulka Galmudug, taasoo qeyb ka ah dhulka Danta Guud ee la amray in laga baxo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON