Tuesday, May 21, 2024

Soomaali laga soo Tarxiilay dalka Mareykanka oo laga soo dejiyey Magaalada Muqdisho [Sawirro]

Soomaali laga soo tarxiilay dalka Mareykanka ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Soomaalida lasoo tarxiilay ayaa tiradooda gaareyso 83 qof oo 4 ka mida ay haween yihiin, waxaana si xoog leh lagu soo saaray diyaarad ka timid dalka Mareykanka oo ka dejisay magaalada Nairobi, halkasoo looga soo qaaday diyaaro yaryar oo kiro ah, kadibna laga soo dejiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Ad

Tarxiilkan ayaa ka mida kumanaan Soomaali sharci loogu diiday Mareykanka iyo qaar dembiyo ka galay dalkaasi oo sugayey in loo dhoofiyo Soomaaliya, waxaana la geeyay xarunta xisbiga oo saldhig u ah ciidamada amniga.

Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya. Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Soomaaliya ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal. Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON