Sunday, May 19, 2024

Somaliland oo shaacsay in boqolaal Shabaab ah iyo Fu’aad Shongle ay tageen Laascaano

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey in maleeshiyada Alshabaab ay iyagoo boqolaal ah gaareen magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayna ku socdaan inay galaan buuraha Gobolka Sanaag.

War ay soo saartay wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa sheegtay in ciidammada Ammaanka maamulkaasi ay xaqiijiyeen in ku dhawaad 600 ka mida kooxaha Alshabaab iyo Sheekh caan ah oo lagu magacaabo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shangoole) ay soo galeen magaalada Laascaanood.

Somaliland ayaa ku dooday in ilo xog ogaal ah ay sheegeen in ujeedada socdaalka Shangole ay tahay sidii maleeshiyaadka deegaanka loogu tababari lahaa diyaarinta walxaha qarxa iyo sidii Al-Shabaab ay saldhig uga sameysan lahaayeen buuraleyda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Ad

Marar badan ay Somaliland hore u sheegtay inay Alshabaab ka dagaalameyso magaalada Laascaanood, iyadoo aan wax caddeyn ah soo bandhigin, mana jirto cid xaqiijisay sheegashada cusub.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON