Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle ayaa Degmada Maxaas ugu dhawaaqay Midnimo iyo inay isku raaceen dagaalka Alshabaab, iyadoo uu hoggamain doono Cali Jeyte Cusmaan.
Siyaasiyiintan oo ay ka mid ahaayeen Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Xildhibaan C/llaahi Sanbaloolshe iyo Cali Jeyte Cusmaan ayaa caddeeyay inay u midoobeen dagaalka Alshabaab, ayna meel iska dhigeen wixii khilaafaad siyaasadeed ahaa.
Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sheegay in iyagoo mideysan oo walaaloobay ay go’aansadeen inay midoobaan, una jiheysteen caddowga Alshabaab, kadibna ay talo ka yeeshaan wixii kale, balse aan dagaalka Alshabaab loo kala harin.
“Meeshaan Murusade ayaa nooga dhegan, inta Abgaal aya naga jira. Alshabaab waa Daad ee aan isma moosno.. Annagu Shabaab ayaa dagaal nagala dhaxeeya, degaan kasta ayaan kula dagaalameynaa” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey inuu dagaalka hoggaamin doono Cali Jeyte.
Sidoo kale Cali Jeyte ayaa caddeeyay in Alshabaab soo afjarayaan, kana gaarayaan natiijo dagaalkii ay soo bilaabeen, kana guul gaari doonaan, inta ka hartay Alshabaab, sida uu yiri.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa isna sheegay inay isku waafaqeen, kuna heshiiyeen inay u midoobaan dagaalka Alshabaab, isagoo caddeeyay inay meel iska dhigeen wixii kasoo haray dagaalka Alshabaab.