Friday, May 17, 2024

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey heshiis cusub oo lala galay Dalka Turkey

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah ayaa maanta lagu ansixiyey heshiis iskaashi oo u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Heshiiska garsoorka ee ay gaareen labada dal ayaa ka kooban afar qeyb, isla markaana uu diiradda saarayo dhinacyada kala ah; iskaashi, gargaaris sharciyeed, dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo wareejin shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.
Golaha Wasiiradsa ayaa sidoo kale ansixiyey heshiiska iskaashi oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Pakistan, kaasi oo aan la faah-faahin.

Heshiiska Turkiga ayaa noqonaya mid kale oo ka mid ah heshiisyo dhowr ah oo sanadihii iyo bilihii dhowaa ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Labada dal ayaa 8-dii bishii Febraayo Ankara ku kala saxiixday “Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha,” kaasi oo ay kadib ansixiyeen labada aqal ee sharci-dejinta Soomaaliya, islamarkaana uu saxiixay madaxweynaha.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON