Sunday, May 19, 2024

Shirkad ay Heshiis la gashay Dowladda Somaliya oo bilowday hubinta Alaabta la keeno dalka

Shirkad ajnabi ah oo dowladda Soomaaliya ay heshiis la gashay ayaa bilowday inay hubiso oo ay gaarto badeacadaha imaanaya Soomaaliya.

Qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Hay’adda Tayo-Dhowrka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay inay heshiis la gashay Shirkadda Caalamiga ah ee lagu magacaabo ‘Bureau Veritas,’ si loo hubiyo tayada Badeecadaha imaanaya Soomaaliya.

Shirkaddan Bureau Veritas (BV), oo la sheegay inay tahay shirkad caalami ah, kana shaqeysa wadamo badan ayaa heshiiska ay la gashay Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaloya, wuxu dhaqangal noqday 15/07/2023.

Ad

Hay’adda Tayo-dhowrka ayaa sheegay in 22-ka bishaan ay qaban doonaan Barnaamij lagu soo bandhigi doono heshiiskan cusub, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururada Bulshada Rayidka

Heshiiskan ayaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay bishii May ee sanadkan 2023, iyadoo la sheegay in loo tartamay, balse lama soo bandhigin wax faahfaahin ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON