Tuesday, September 10, 2024

XOG: Dowladda Somalia oo Qandaraas u saxiixday Shirkad hubineysa Shixnadaha la keeno Dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad Ajnabi ah oo qaabilsan hubinta Shixnadaha la keeno dalka, Qandaraaskaasi oo shalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Jibril Abdirashid Haji ayaa xukuumadda u saxiixay heshiiska, iyadoo uu si rasmi ah u dhaqan galay, kadib munaasabad looga dhawaaqay saxiixa Qandaraaska hubinta tayada shixnadda ka hor inta ayna badeecadahu soo galin dalka.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa shaacisay in si daahfuran ay Qandaraaska ugu guulaysatay shirkadda Bureau Veritas, ayna ka geyb-qaadan doonto fududeynta iyo habsami u socodka ganacsiga dalka.

Ad

Wasiirka Ganacsiga ma sheegin sida tartanka loo qabtay, shirkadaha ku tartamay iyo qiimaha la siinayo shirkadda guuleystay, wuxuuse ku dooday in talaabadani ay hagaajin doonto hanaanka hubinta tayada badeecadaha laga so dhoofiyo dalka dibaddiisa.

Howshan waxaa maamulkeeda hayey oo heshiiska Qandaraaska soo diyaariyay Sii-hayaha Maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Xaawo Axmed Xasan oo wasiirku qiray inay dadaal xoog ah ku bixiyeyen Qandaraaskan.

Faahfaahin badan lagama bixin Qandaraaska iyo heshiiskan la xiriira Tayo-dhowrka ee la siiyay shirkadda Bureau Veritas, balse warar la helay ayaa sheegaya in shirkadda la siiyay Qandaraaska uu wakiil u yahay madaxii hore ee shirkadii Isgaarsiinta NationLink C/risaaq Iidow.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON