Wednesday, May 22, 2024

Sheekh Yuusuf Kaba-ku-tukade oo Sh/Dhexe ka bilaabay inuu Seminaaro Towxiidka ku saabsan u furo Odayaasha Beelaha Abgaal

Guddoomiyaha Alshabaab ee Gobolka SH/Dhexe Yuusuf Ciise Kaba-ku-tukade ayaa seminaar socday muddo 10 maalmood ah u soo xiray odayaasha jufo ka mida Beesha Abgaal, kaasoo lagu baray towxiidka.

Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay in odayaal fara badan oo kasoo jeeda Beesha Cabdulle Galmaax ee ka tirsan beelweynta Abgaal loo qabtay muxaadaro lagu barayey Towxiidka Alle, waxaana xiritaankii seminaarkaasi khudbad dheer ka jeediyey Waaliga Alshabab ee Sh/Dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kaba kutukade oo si weyn uga hadlay dhaqanka culimada suufiyada.

Wuxuu si qoto dheer uga hadlay wararka laga faafiyo Alshabaab iyo xaqiiqada ay ku sugan yihiin, wuxuuna ku booriyey inay garab u noqdaan xarakadda oo ay towxiidkooda ilaashadaan.

Ad

Alshabaab ayaa hore odayaasha soo xulay xildhibaanada Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada u furay seminaaro kala duwan oo ay sheegeen inay ku towbad keenayaan, waxaana seminaarkan uu yahay midkii ugu horeeyay ee noociisa ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON