Sunday, May 19, 2024

Sacuudiga oo dhisay Shirkad Dyaaradeed cusub oo la tartameysa kuwa Imaaraadka iyo Qatar

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Mohamed Bin Salman ayaa ku dhawaaqay dhismaha Shirkad Diyaaradeed cusub oo heer caalami ah, taasoo xarunteedu noqono doonto Caasimadda Riyaad ee dalka Sacuudiga.

Shirkadda cusub ee Riyadh Air ee xarunteedu noqon noqon doontaa magaalada Riyaad, iyagoo la tartami doonta shirkadaha Diyaaradaha Qatar Airways iyo Emaraes ee dallaka Qatar iyo Imaaraadka.

Waxaa la qorsheyay in inay shirkadda Riyad Air duulimaadyo ku tagto in ka badan 100 Dal oo caalamka ah kahor 2030,” iyadoo lagu maalgelinayo 20 Bilyan oo Dollar bilow ahaan oo uu bixinayo Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga.

Ad

Bishii November 2022,Sacuudiga waxay ku dhawaaqay qorshe Garoon diyaaradeed oo cusub looga dhisayo magaalada Riyadh, kaasoo baaxadiisu gaaryso 57 km oo isku wareeg ah, islamarkaana qaadi kara 120 milyan oo musaafiriin ah sanadkii marka la gaaro 2030, iyo 185 milyan, sanadka 2050.

Tony Douglas, oo horey u ahaa madaxa shirkadda Etihad Airways ee fadhigeedu yahay Abu Dhabi, ayaa loo magacaabay madaxa shirkadda cusub Riyadh Air. Sacuudiga ayaa sheegtay in diyaaradda cusub ay ku shaqeyn doono “diyaraado casri ah”.

Sanduuqa Maalgelinta Sacuudiga (PIF) ayaa la sheegay inuu heshiis la gelayo shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing, kaas oo ku kcaya $35 bilyan, si loogu sameeyo diyaaro ku dhow 50.

- Advertisement -

Shirkadda Qaranka ee Diyaaradaha Sacuudiga ee Saudia Airlines ayey xarunteedu tahay magaalada Jeddah o ah kan ugu mashquulka badan dalkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON