Waxaa dab qabsaday Hoolkii uu ka socday shirka Waxbarashada oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Dabka ayaa la sheegay inuu qabsaday qeyb ka mida hoolkii shirku ka socday oo ah Teendhada Afisyoone, waxaana goobta laga saaray mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale oo goobta ku sugnaa.
Waxaa dadaal loo galay daminta dabka oo la sheegay inuu ka kacay Koronto, waxaana hakad galay shirweynihii Waxbarashada, iyadoo kadibna la xaliyay, iyadoo shirku dib u furmi doono.
“Shirweynaha Waxbarashada oo wax yar u hakaday cillad Koronto (Electric Shock) ayaa dib u bilowday markii la xaliyey cilladii timid. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa goor dhow hadal jeedin doono“ ayuu yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo goobta shirka ku sugan.
Madaxda shirka ku sugneyd waxaa ka mida Madaxweynaha, Ra’iisal wasaare ku xigeenka, Wasiirka Waxbarashada iyo mas’uuliyiin kale.