Friday, May 17, 2024

QARSOODI: Xasan Muungaab oo ku biiraya Xisbiga Daljir iyo Warbixin Qorshaha Doorashada 2016

U GAARA GOOBJOOGE.COM

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa heshiis hoose la galay kooxda Aala-sheekh oo ka mida kooxaha diimeed ee siyaasadda Soomaaliya ku lugta leh, waxayna xogta ay heshay Goobjooge.com sheegeysaa inuu Muungaab uu kooxdaasi ku biirayo.

Mungab

Heshiiska oo dhowaan ka dhacay magaalada Nairobi ahna qarsoodi (Top secret) ayaa dhigaya in Xasan Muungaab ku biiro Xisbiga Daljir ee kooxdani leedahay, sidaasina ololaha doorashada sanadka danbe ee 2016 uu ku galo, isagoo noqonaya musharaxa madaxweynaha ee xisbigan, waxaana dhinaca Muungaab laga rabaa dhammaan dhaqaalaha xisbiga ee ololaha doorashada.

Ad

Arrintan oo hordhac ahaan la iskula meel dhigay ayaan la ogeyn sida ay ku hirgeli doonto, waxaana labada dhinac ka mideysan yihiin rabitaanka in la bedelo Xasan Sheekh, iyadoo Xasan Muungaab horeba u caddeysay inuu u tartamayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu heyso hanti ku filan oo uu olole doorasho ku geli karo.

Xisbiga Daljir ayaa dhinaciisa ah koox diimeed la loolameysa kooxda damjadiid, waxaase dhibaatada ugu weyn ee heysata  ay tahay dhaqaale darro. Rasmi ahaan arrintan waxay soo dedein doontaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh xilka ka qaado Muungaab oo muddooyinkanba ahayd mid miiska saaran.

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON