Sunday, May 19, 2024

Weerar qasaare badan dhaliyey oo lagu qaaday Gaadiid ay wateen ciidamada Dowladda ee duleedka Balcad

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in weeerar jidgal ah lagu qaaday Gaari ay wateen ciidamada dowladda oo ku socdaalayey Jidka Balcad, inta u dhaxeysa Balcad iyo degaanka Gololleey.

Weerarka ayaa ahaa Miino iyo jidgooyo ay Alshabaab u dhigeen Gaariga ciidamada, waxaana wararku sheegayaan inay qaraxa ku dhinteen askar ku dhow 10. Alshabaab ayaa sheegatay inay qaraxa ku dishay 5 askari, ayna ka furteen 5 Qori.

Gaari kale oo la sheegay inauu gurmad ahaa ayaa la sheegay in la gubay, waxaana hadda soo baxaya faahfaahin weerarka qasaaraha abdan dhaliyey ee Alshabaab ku qaaday ciidamada dowladda ee Gobolka Sh/Dhexe.

Ad

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Milateige iyo maamulka Hirshabeele, wuxuuna jidka isku xira Balcad iyo Jowhar ahaa meel ay si joogto Alsahbaab uga fuliso qaraxyo iyo weerarro Jid-gal ah.

LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA…

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON