Sunday, May 19, 2024

Qalbi-dhagax: “Qabashadeydii Xamar waxaa ka danbeeyay shaqsiyaad yar..” [Akhriso hadalkiisii ugu horeeyay]

Cabdikarim  Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo markii ugu horeysay ka hadlay sii deyntiisa, wuxuuna hadal ka jeediyay isagoo ku sugan goob magaalada Adis ababa oo ay isugu soo baxeen dadweyne iyo eheladiisa.

Cabdikarim Qalbi-dhagax ayaa sheegay in qabashadiisii ay ka dambeeyeen shaqsiyaad yar, wuxuuna u mahad celiyay dadka Soomaaliyeed oo si weyn uga dhiidhiyey sidii loola dhaqmay, una muujiyey walaalnimo iyo Soomaalinimo.

“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed, oo runtii aniga Cabdikarim Sheekh Qalbi-dhagax ah oo qabashadeydii Xamar ashkhaas yari ay geysatay aad uga dhiidhiyay, runtii is garab taagay, damiirkii walalaalnimo i hubsiiyay, Soomaali oo dhan mideeyay, runtii waxa ay aheyd taariikh lama ilaabaan ah, oo ku tuseysa inuu dadka Soomaaliyeed yahay dad walaalo ah, isku jir ah, isku dad ah, isku dan ah, qaraabo ah, wada dhashay, Soomaaliga jooga Lowya cadde iyo Baab-Mandab iyo midka jooga NFD iyo midka jooga Aashica, iyo midka jooga halka Diridhabe iyo Adis..All qof kasta oo Soomaali ahi waxaa uu ka mideysan yahay damiirka, wixii kala qeyb qeybinayaa waa cadaw Soomaaliyeed…” ayuu yiri C/kariin Qalb-dhagax oo sheegay inuu ka shaqeynayo midnimo Soomaaliyeed.

Ad

Wuxuu kaloo Cabdikarim Qalbi-dhagax sheegay inuu xoojin doono midnimada, isku duubnida, iyo sidii umaddaas Soomaaliyeed u mideyn lahaa, isla markaana dib ugu walaaleyn lahaa, taasina ay tahay balanta uu qaadayo.

Qalbi dhagax wuxuu soo-jeediyay in labada qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada ay heshiiyaan, isla markaana ay isu garaabaan wixii kala gaaray, xoolahana isu celiyaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON