Sunday, May 5, 2024

MUQDISHO & MAANTA: Waxyaabo cusub Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo ee Caasimadda [Sawirro]

Maanta oo ku beegan maalinta 1da Luulyo, ahna sanadguuradii 58-aad ee xoriyadda Gobollada Koonfureed iyo Midowga Soomaaliya, waxaa Muqdisho laga sameeyay isu soo bax ka dhacay Garoonka Koonis, iyadoo la xiray dhammaan wadooyinka caasimadda.

Waxyaabaha sanadguuradan ku cusub ee lagu arkay magaalada waxaa ka mida in maamulka Gobolka Banadir uu markii ugu horeysay shaqo geliyay Basas ay dowladda Qatar ugu deeqday, kuwasoo dadka ka qeyb galaya qaadaya una sahlayey inay  garoonka Koonis.

Ad

Dadka qaar ayaa noo sheegay in ay saaka u raaceen meelo kale oo aan xarunta dabaal-degga ah, waa basas dhowr ah, meelo kala duwan ayaa lagu kala qoray,  tani waxaa fursad ay dadka qaar heleen intii ay meel fog-fog u lugeyn lahaayeen. Waxayse sheegeen in Muraayadaha Basaska ay ahaayeen kuwo aan furmeyn.

Waxaa kaloo goobaga qaar ee magaalada laga hirgeliyey xarumo daryeel oo ah Teendhooyin loo dhisay in gargaar caafimaad ay u fidiyaan dadka danyarta ah oo qaarkood ay safaf u galeen.

 

- Advertisement -

Saraakiisha halkaasi joogtay oo ka gaabsaday inay faah-faahin bixiyaan, waxaa ay ku soo koobeen waa “Daryeel masaakiin”.

 

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON