Sunday, May 19, 2024

Muxuu Hanti dhowraha Warbixintiisa ugu reebay Qeybta Hubinta Kharashaadka ee Madaxtooyada..? (Akhriso)

Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa soo saaray Warbixinta Baarista Maaliyadda dowlada Federaalka e sanadkii 2019, iyadoo si weyn looogu faahfaahiyey qaabka hay’adaha Dowladda u isticmaaleen kharashaadka, heshiiyada aan la diiwaan gelin iyo khaladaadka dhacay sanadka ku dhammaaday Decembar 2019.

Inkastoo Warbixinta ay si weyn dib ugu dhacday, waxaa haddana ka muuqda in Hay’adaha dowladda sida Madaxtooyada, Baarlamaanka, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Wasaaradaha xukuumadda iyo Hay’adaha kale ee dowladda ay weli sameeyaan khaladaad maaliyadeed oo qaarkood halis yihiin, waxaana dakhliga la qabtay, lana istcimaalay sidoo kalana aan lagu soo darin warbixinnada maaliyadeedka sanadka 2019 uu gaaray – US $1,857,170.

Waxaa xusid mudan in saddexda Xafiis ee ugu waaweyn dalka oo kala ah: Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha in Hanti-dhowrku mid kasta ka baaray dhinacyada kala ah:

Ad

1- Hubinta Kharashaadka
2- Maamulka Hantida
3-Maamulka Heshiisyada
4- & Baarista Gudaha

Kadibna waxaa warbixinta Hanti-dhowrka lagu caddeeyay waxyaabaa ka khaldan hay’ad kasta iyo baarista lagu sameeyay, jawaabaha ay ka bixisay iyo talo-soo jeedinta xafiiska.

MADAXTOOYADA SOOMAALIYA

- Advertisement -

Hanti-Dhowrka Qaranka wuxuu gebi ahaan warbixinta Xafiiska Madaxweyaha ka reebay qeybta ugu muhiimsan ee HUBINTA KHARASHAADKA oo dhammaan hay’adaha kale lagu caddeeyay warbixinta, taasoo bixineysa shaki ah in si ulakac ah looga saaray si aanay weji-gabax ugu noqon Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qeybta ‘MAAMULKA HESHIISYADA’ Xafiiska Madaxweynaha waxay Warbixinta Hanti-dhowraha sheegtay in liaa afar heshiis oo madaxtooyadu bixisay aanba laga diiwan gelin xafiiska. “Waxaa baarista lagu ogaaday in heshiisyo qiimahoodu gaarayaan US $299,611.25 aan laga soo diiwaan-galin Xafiiska Hantidhowrka Guud”.

Waxaa la yaab leh in Qeybta MAAMULKA HANTIDA; aanu xafiisku Madaxtooyada laga waayey wax diiwaan ah oo hantida qaranka ee Madaxtooyada leedahay,waxaana Warbixintu lagu qoray: “Waxaa baarista lagu ogaaday in Xafiiska Madaxweynaha uusan lahayn habraaca iyo siyaasadda lagu maamulo hantida taas oo adkaysay ama suuragalin wayday in la xaqiijiyo ama la qiimeeyo shuruuradaha ama waxa ay hay’addu u isticmaasho guud ahaan maamulka hantida. Waxaa baarista lagu ogaaday in Xafiiska Madaxweynaha uusan cusboonaysiin diiwaanka hantida taas oo lid ku ah sharciga sidoo kale, diiwaanka aan la cusboonaysiin ayaa sababay in aan la hubin ama la xaqiijin waayo hantida ay hay’addu leedahay.”

Waxaa kaloo yaab lahayd in Madaxtooyada Soomaaliya aysan lahayn baarista gudaheeda ah, waxaana warixinta Hantid howrka lagu yiri: “Intii lagu guda jiray baarista ayaa waxaa la ogaaday in Xafiiska Madaxweynaha uusan lahayn baaraha gudaha sidoo kalana baarista gudaha aan laga samayn”.

- Advertisement -

Warbxinta waxay si cad u soo bandhigtay hab-maamulka Kharaashka Golaha Shacabka iyo Xafiiska Ra’iisal wasaraha sanadkli 2019, waxaana Golaha Shacabka lasoo caddeeyay in baarista lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan US $747,865.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga.

Dhinac Xafiiska Ra’iisal wasaaraha sanadkii 2019 waxay Warbixinta Hanti dhowrku sidoo kale caddeysay in baariteedaa lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan US $163,806.49 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga.

Hanti-dhowruhu Warbixintiisa kuma soo bandhigin, qeybta Hubinta Kharashaadka Madaxtooyada, waxayna qeybtan guud ahaan ka maqan tahay warbixinta, taasoo u muuqata in si ulakac ah looga reebay, iyadoo sida loo faahfaahiyey hay’adaha kale aan loo dabagelin Madaxtooyada ama laga gaabsaday in warbixinta lagu soo bandhigo.

GOOBJOOGE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON