Friday, May 17, 2024

Midowga Afrika oo Ergay cusub u soo Magacaabay Arrimaha Somalia iyo AMISOM

Guddoomiyaha Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa maanta u magacawday wakiil cusub oo arrimaha Soomaaliya u qaabilsanaan doona Midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, Wakiilka cusub waa ninka lagu magacaabo Danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique.

169-francisco-madeira

Ergaygan cusub ayaa bedeli doona ergaygii hore ee Midowga Afrika ee arrimaha Somalia iyo howlgalka AMISOM danjire Maman Sambo Sidikou oo u dhashay dalka Niger, kaasoo la sheegay in howshiisii uu Soomaaliya u joogay ay dhammaatay.

Ad

Madeira wuxuu ilaa 2010-kii ka shaqeynayay ururka Midowga Afrika, isagoo ahaa wakiilka gaarka ah ee ururka Midowga Afrika ee arrimaha la-dagaallanka argagaxisada, musuqmaasuqa iyo xarunta baarista Afrika ee dhanka baarista iyo daraasaadka arrimaha argagaxisada ee dalka Al-jeeriya.

Francisco Madeira wuxuu kaloo soo noqday danjiraha Mozambique waddamo ka tirsan Qaaradda Afrika intii u dhexeysay 1984-kii – 1989-kii iyo la-taliyaha madaxweynihii dalka Mozambique. Wakiilku wuxuu kaloo ka mid noqday xubnihii ka qayb qaatay wadahadalladii ka dhacay Roma ee RENAMO oo lagu saxiixay heshiiskii nabaadeed ee dalkiisa Mozambique bishii Ogoosto 1992-kii. Wuxuuna sidoo kale kasoo qabtay dalkiisa xilal wasiirnimo kuwaasoo ay ka mid yihiin, wasiirka xiriirka xafiiska madaxweynaha iyo baarlamaanka waddankiisa. Isagoo intii u dhexeysay 2000 illaa 2010-kii soo noqday wasiirka xafiiska wasiirka xafiiska madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON