Friday, May 17, 2024

Mid ka mida Raggii isku miidaamiyay Hotel Dayax oo la Aqoonsaday [Sawirro & Faahfaahin]

Wararka laga helayo maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in mid ka mida ragii isku qarxiyay hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho uu ahaa askari ka baxsaday maamulkaasi oo u galay Alshabaab.

Askarigan ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan Fatxi C/llaahi Dheeg, waxaana uu ka baxsaday magaalada Kismaayo kadib markii uu khaarijiyay taliyihii hore ee ciidamada nabadsuggida Jubbaland Ciise Alaaki oo ku magac dhereaa (Ciise Kaambooni), kaasoo dlkiisu ka dhacay Kismaayo 19-kii Feberaayo sanadkii 2014.

Ninkan oo markii danbe u galay kooxda Alshabaab oo uu hore uga tirsanaa ayaa qaraabo dhow la ahaa taliyaha uu khaarijiyay, wuxuuna iska dhiibay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ad

Ninkan ayaa la isku hayaa inuu waday gaarigii weynaa ee qaraxa balaaran geystay ama midkiid labaad, waxaana socda baaritaan iyo xogo ay is weydaarsanayaan ciidamada nabadsugidda.

Weerarkii Dayax Hotel waxaa ku dhintay  in ka badan 30 iyadoo 50 kale ay ku dhawaacmeen, wuxuuna geystay qasaare xoog leh.

- Advertisement -
IS-MIIDAAMIYE C/raxmaan Fatxi C/llaahi Dheeg

DAAWO MEYADKA RAGGII WEERARAY HOTEL DAYAX

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON