Friday, May 17, 2024

Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya..? [Akhriso]

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir-guddoominayey Ra’iisu Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah.

Shirka ayaa warbixin looga dhageystay  Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo Wasaarado kale oo Xukuumadda ka tirsan. Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar islow (Ducaalle) ayaa ka warbixiyay 37-kii caruurta aheyd ee Ciidanka ammaanka ay ka soo furteen Shabaab, kadib Howlgal ka dhacay degaanka Jameeca Jilliyaale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, wuxuu sheegay Wasiirka Amniga in mid ka mid ah caruurtaasi uu geeryooday, halka inta kalena Hay’adaha ammaanka ay gacanta ku hayaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa Golaha Warbixin ka siiyay isku dhafka Ciidamada Qaranka oo meel wanaagsan maraya, waxaana lagu guuleystay in la isku dhafo Ciidamada, lana qorsheynayo meelihii la geyn lahaa, sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay Shabaab in laga saaray Gobolka Shabeellaha Dhexe, dhowaana lagaa saari doono Shabeellaha Hoose.

Ad

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka warbixiyay shirkii Switzerland, wuxuuna sheegay in Soomaaliya rajo wanaagsan ay ka leedahay waxyaabihii ka soo baxay shirkaasi, waxaana shacabka Soomaaliyeed laga codsaday in ay bixiyaan canshuurta, si dalka uu horumaro ugu talaabsado.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa warbixin laga dhageystay, waxaana uu kaga hadlay safaro uu ku tagay dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, iyo Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in guulo uu ka soo hoyay safaradiisa shaqo.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Haweenka, waxaana ay soo bandhigtay jadwal howleedka shaqo ee Tubta shaqada loo dhan yahay.

- Advertisement -

Shirka oo la filayay in la hor keeno taliyeyaal cusub oo loo magacaabayo ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda ayaanay taasi dhicin, markii la sheegay inay kasoo dhamaan xafiiska Madaxweynaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON