Friday, May 17, 2024

Maxaa ka cusub Isku shaandheynta Golaha Wasiirada..? [ Akhriso Xaalad adag soo wajahday]

Qorashe lagu doonayay isku-shandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada ayaa dib loo dhigay kadib caqabado dhowr ah oo soo wajahay.

Arintan ayaa saameyn ku yeelan lahayd ilaa 6 wasaaradood oo qaarkood ay bannaan yihiin ayaa la sheegay inay ka socon weyday arrimo ay ka mid yihiin: Shaqsiyaadkii loo magacaabi lahaa oo aan la heynin iyo muran ka dhex taagan beelaha ay kasoo jeedaan.

Wasiirada ka maqan xukuumadda ee jagooyinkooda bannaan yihiin ayaa hadda gaaray saddex jago kadib markii wasiirkii warfaafinta loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana hore u bannaanaa xilalka wasiirka Gargaarka iyo ka hortagga musiibooyinka oo ay banneysay Wasiir Maryan Qaasim iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo xilka ku waayey isku shaandheyn kooban.

Ad

Xilka Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musoobiooyinka ayaa loo buuxin waayey kadib markii ay isku qabsadeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Wasiirka Dhalinyarrada oo mas’uul waliba uu doonay in loo magacaabo qof uu wato.

 

Xilka wasiirka Warfaafinta baneeyay ayaa la sheegay inuu culeys kale ku keenay wasiirada ka maqan xukuuamadda Xasan Cali Kheyre oo liiska wasiirada xilalkoodu bannaan yihiin sii kordhisay. Waxaana la sheegay inay billo kale qaadan doonto buuxinta xilalka bannaan iyadoo meesha laga saara isku shaandheyn weyn oo la sameeyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON