Sunday, May 19, 2024

Mareykanka oo dalbaday in degdeg loo furo Radio Daljir & Wasiir Soocade oo baxar ku jira

Dowladda Maraykanka ay si kulul oo aan hore loo arag uga hadashay xariga Radio Daljir oo uu dhowaan xirtay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade, isagoo caddeeyay in tallaabadaasi ay ka hor imaanayso xuquuqda qofku iyo fekerka xorta ah.

Mareykanka ayaa si toos ah u dalbaday in dib loo furo Idaacadda Daljir, waxaana maamulka Puntland laga dalbaday inay dhowrto sharciyada caalamiga ah iyo Dastuurka.

War ka soo baxay ergada Mareykank u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xariga Idaacadda Daljir uu yahay  mid xadgudub ku ah xoriyadda saxaafaddu oo ka mida xuquuqda caalamiga ah ee ku qeexan Article 19 Universal Declaration of Human Rights, iyo weliba Dasuurka Soomaaliya qodobkiisa 18.

Ad

Ergada Maraykanka Soomaaliya u qaabilsan ayaa warkooda ku dalbaday in si degdeg ah oo aan dib u dhac lahayn loo fasaxo Idaacadda Daljir. Waxaana Mareykanka uu bogaadiyay halganka saxafiyiinta Soomaaliyeed ku jiraan xaaladan adag.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa la sheegay in xaalad adag soo wajahday kadib warkii hanjabaadda ahaa ee laga shaaciyay waxaana fariimo uu ka helay wakiilada beesha caalamka qaarkood oo  u sheegay inay la yaabeen falalkiisa, waxaana cadaadis saaran yahay madaxweyne C/weli Gaas lagu doonayo in xilka looga qaado wasiir Soocade oo noqday  fadeexad u joog.

HOOS KA AKHRI QORAALKA OO AF INGIRIIS AH

- Advertisement -

usa

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON