Sunday, May 5, 2024

Yaa ka danbeeyay xil ka qaadista wasiiradii Waxbarashada & Caafimaadka..? [XOG CULUS]

Madaxdii madasha Qaran ee shirka uga socday magaalada Baydhaba isu bedeshay Madal danley ah oo lagu go’aamiyo wax ka bedelka Hay’adaha Federaalka iyo xil ka qaadista Mas’uuliyiinta heer federaal iyadoo aanay ka mid ahayn howshii Madasha isu xil saartay.

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya xilligan kala guurka ah ee loo diyaar garoobayo doorashada 2016 iyo isbedel guud oo dalka ka dhaca, iyadoo xilka laga qaaday Wasiirada Waxbarashada iyo Caafimaadka Khadra Bashiir Cali iyo Xaawo Maxamed Xasan.

Xil ka qaadista wasiirada oo in muddo ahba la hadal hayay ayaa salka ku heysa is afgarad hoose oo dhex maray madaxda madasha siiba madaxweynayaasha Puntland iyo K/Galbeed oo xubno ay wataan ku bedeshay wasiirada la eryay.

Ad

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa keensaday wasiirka cusub ee caafimaadka Maxamed Xaaji Cabdi Nuur oo ah nin ay walaalo yihiin dhinaca hooyada oo muddo dheer uu doonayay inuu xil sare looga magacaabo dowladda Soomaaliya, isagoo horena wiil uu dhalay ka dhigay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

C/weli Gaas ayaa isna la yimid wasiirka cusub ee Waxbarashada iyo tacliinta sare  C/qaadir Cabdi Xaashi oo hore u ahaa wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga ee Puntland, isla markaana madaxweynaha Puntland uu dalbaday in wasiir laga dhigo.

Arrintan waxay la mid tahay tallaabadii Cumar C/rashiid xilka uga qaaday wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim oo lagu bedelay Maxamed Jaamac Mursal wasiir uu watay Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe, wasiirkaas oo magacaabidiisa aan loo baahan inuu madaxweyne Xasan Sheekh aqbalo.

- Advertisement -

Akhri Warkii xil ka qaadista Wasiir Guuleed.

http://goobjooge.com/wasiir-ka-tirsan-xukuumadda-soomaaliya-oo-xilka-laga-qaaday/


Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON