Friday, May 17, 2024

Madaxweyne Trump oo joojiyey kulankii dhex mari lahaa madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-Un

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu  baajiyey shirkii heerka sare uu la yeelan lahaa Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un, kaasoo la qorsheeyay inuu  12-ka June ka dhaco Singpore.

Trump ayaa sheegay inay nasiib darro keenay, markii caro weyn oo ka dhalatay dabeecadaha caddowtinimada leh ee ay la timid Waqooyiga Kuuriya, isagoo ku eedeeyay in hadalladii u danbeeyey ee Waqooyiga Kuuriya dartood aysan ku habooneyn inuu dhaco kulankii labada dhinac qorsheysteen.

Waqooyiga Kuuriya ayaa si weyn u cambaareysay war kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo ku saabsanaa in Hubka Nuyliyeerka Waqooyiga Kuuriya la burburinayo sida Hubkii Liiibiya, waxaana ay ku tilmaantay inuu yahay qof caqi yar ‘Doqon’.

Ad

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale Maraykanka uga digtey in uu carqaladeeyo wada hadalka iyaga iyo Kuuriyada Koonfureed oo weji cusub u furmay kadib kulankii hoggaamiyasha Seul iyo Pyongyang.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyey dalka Shiinuhu in ay wax ka beddeleen Kim Jong-Un safarkii labaad ee uu ku tegey Bakiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON