Friday, May 17, 2024

Madaxweyne Trump oo Cunaqabatayn cusub oo lama filaan ah kusoo rogey Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo cusboonaysiiyay cunaqabatayno cusub oo uu kusoo rogey Kuuriyada Waqooyi, inkasta oo 10 maalmood uun ka hor ay ahayd markii uu Singapore kula kulmay hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong-un.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay kadib kulankii dhex maray isaga iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi in Kuuriyada Waqooyi aysan halis niyuukleer ku heynin dunida, laakiin cusbooneysiina cunaqabateynta Mareykanka ayaan la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan Waqooyiga Kuuriya.

Talaabadan ayaa imanaysa xili ay muuqatay saansaan isu soo dhawaansho ah, iyada oo Maraykanka uu joojiyay carbis ciidamada Kuuriyada Koonfureed uu la lahaa , taas oo qeyb ka ahayd waxyaabihii lagu heshiiyay.

Ad

Lama oran karo raas, balse Maraykanka waxa uu leeyahay xaalad degdeg ah oo uu kula macaamilo Kuuriyada Waqooyi, oo loo arkayay dal halis badan, sidaasi darteedna madaxweyne kasta waxa uu cusboonaysiin jirey cunaqabataynta.

Xildhibaanada xisbiga Dimoqoraadiga ayaa sheegay in luuqada lagu qorey cunaqabataynta ay ka duwantahay hadalkii uu ku hadlay Trump markii uu la shirey Kim Jong-Un.

- Advertisement -

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabataynta ay sii jiri doonto illaa ay ka miro dhalayaan wadahadalada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON