Sunday, May 19, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyey inuu soo celinayo wadahadalkii dowladda Somalia & Somaliland

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baaq u diray Maamulka Somaliland, isagoo ku dhawaaqay in dib loo bilaabayo wadahadalladii labada dhinac.

Farmaajo oo ka hadalayey isu soo bax lagu maamuusay maalinta 1-da Luulyo ayuu ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan dagaalka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo dhiiga ku daa’danaya Tukaraq.

Wuxuu kaloo ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan wahadalladii u dhaxeeyay dowladda Somalia iyo maamulka Somaliland ayuu yiri: “Somaliland waa dad walaalaheen ah, waa inaan raadino si walba oo aan dib ugu soo celin karno; dowladda Soomaaliya waxa ay ku dadaaleysaa sidii loo bilaabi lahaa wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland waliba aniga ayaa bilaabi doono ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON