Friday, May 17, 2024

Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya oo Gacanta ku haya Niyukliyeer uu ku weerarri karo dhulka Mareykanka oo dhan

Madaxweynaha dalka Kuuriyada waqooyi wiilka da’da yar ee Kim Jong Un ayaa sheegay in dhammaan mareykanka uu ku jiro iminka xeendaabka hubkiisa Niyukleerka oo xilligii uu doono weerarri karo.

Waxa uu intaa ku daray in uu mar waliba keebka laga rido Niyukleerka uu miiskiisa saaran yahay, xafiiskiisana ay diyaar u yihiin. Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn.

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu caddeeyay inay jirto xaqiiqo ah in  Mareykanku aanu awood u lahayn dagaal ay ku qaadeen dalkiisa iyo awood ay ku weerarraan Kuuriyada Waqooyi.

Ad

Wuxuu xaqiijiyey  in Niyukleerka dalkiisa ay isticmaali doonaan oo kaliya haddii ammaankooda khalkhal la galiyo ama lasoo weeraro. Wuxuuna dhinaca kale uu wadahadal la galayo Kuuriyada Koonfureed.

Hadalkan ayaa ka mid ahaa khudbad uu madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya dadkiisa u jeediyay munaasabadda sanadka cusub ee 2018, waxaana  farriintiisa laga baahiyey telefashinka dalkiisa.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang -taasi oo horey ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON