Sunday, May 19, 2024

Madaxtooyada Somalia oo Xuskii 8-da Febraayo u wareejisey magaalada London. [Maxaa Muqdisho ka socda?]

Iyadoo Madaxtooyada Soomaaliya looga bartay inay xus u sameyso maalintii la doortay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Famaajo ayaa sanadkii labaad waxaa dhacay isbedel keenay inay aad hoos loogu dhiso xafladaasi.

Sanadkii hore ayaa munaasabadan oo si aan rasmi ahayn u qabanqaabiso madaxtooyada iyadoo u sii mareysa taageerayaasheeda iyo xubno la shaqeeya madaxweynaha waxaa wadooyinka Muqdisho lagu xardhay boorar waaweyn, iyadoo laga yagleeyay xarumo laga bixinayo dawooyin kooban iyo baaritaan caafimaad oo la sheegay in dadka danyarta loo sameynayo.

Maanta oo ku beegan  sanadguuradii labaad ee doorashada Madaxweyne Farmaajo waxaa xuska 8-da Febraayo lagu soo koobay adeegyo caafimaad oo aad u kooban oo loo sameynayo xerooyinka barakacayaasha Muqdisho, waxaana la arkay ilaa laba goobood oo baaris iyo dawooyin kooban laga bixinayey.

Ad

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in xuska 8-da Febraayo ee sanadkan 2019 loo wareejiyay magaalada London, halkaasoo Madaxtooyada ay kharash badan ku bixisay xaflad ay ka qeyb galayaan madax loo diray oo ay ka mid yihiin: Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, Guddoomiyaha G/Banaadir iyo xubno kale.

Taageerada madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemay inay aad ugu yaraatay dadka qurbe-joogga ah, taasoo keentay in xuskii sanadkan loo wareejiyo Qaaradda Yurub, iyadoo shalay uu magaalada London ka dhacay bannaanbax looga horjeedo shirkii Shidaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON