Sunday, May 19, 2024

Germany oo 8 Milyan Euro ku taageeraya Booliska Dowladda Soomaaliya & Dowlad Goboleedyada

Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqay 8 Milyan oo EURO oo ay ku biirineyso taageerada Midowga Yurub ee Booliska Soomaaliya.

Dhaqaalahan ayaa la sii marin doonaa Barnaamij wadajir ah oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub iyo UK si loo dhiso Ciidamo Boolis ah oo lala xisaabtami karo, awood leh oo dowladda Soomaliya iyo dowlad Goboleedyada ay leeyihiin.

Shir shalay dhex maray Wakiilada Midowga Yurub iyo Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in dib loo bilaabay taageeradii ay Midowga Yurub siin jireen Booliska Koonfur Galbeed oo la joojiyey markii ay magaalada Baydhaba ka dhaceen shaqaaqooyinkiii doorashada Madaxweynaha.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya, UK iyo Midowga Yurub ay heshiis ka gaareen arrinta ka dhacday K/Galbeed markii shuruudo adag lagu xiray dowladda Somalia oo ku saabsan inaan Booliska loo adeegsan arrimo siyaasadeed oo ka baxsan howshooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON