Wednesday, May 22, 2024

Madaxa Daacish ee Somalia oo ballan cusub la galay hoggaamiyaha ISIS Abubakar Albaqdadi [Sawirro]

Madaxa Daacish-ta Somalia Sheekh C/qaadir Muumin oo fadhigiisu yahay Buuraha Gobolka Bari ee Puntalnd ayaa mar kale kasoo muuqday muuqaal ay kooxda Daacish baahisay, isagoo ballan cusub la gelaya hoggaamiyaha Daacish Abubakar Albaqdaadi ee u dhuumaaleysana dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Sheekh C/qaadir Muumim oo muddooyinkii danbe la sheegay inuusan caafimaadkiisa fiiceyn ayaa muuqaalka laga duubay ka dhex muuqday, isagoo ay wehliyaan dagaalyahanadda kooxdiisa oo shaacinaya inay cusbooneysiiyeen Beycadii ama Balantii ay la galeen hoggaamiyaha Daacish.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe xoojisay olole ay lacag ku raadineyso, kadib markii ay dagaal ku qaaday shirkadaha waaweyn ee Ganacsiga, iyadoo la sheegay inay dhaqaale badan sidaasi ku heshay gaar ahaan degaanada Puntland iyo Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON