Friday, May 17, 2024

La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo oo Dalal saaxiibo la ah Somalia ku eedeeyay inay taageereen Cunaqabateynta Hubka

La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca amniga Cabdi-Siciid Maxamed Cali ayaa ku eedeeyay dalal waaweyn oo saaxiib la ah Soomaaliya inay hortaagan yihiin in Somalia laga qaado xayiraadda hubka ee muddo 27 sano ah saaran Soomaaliya.

Qoraallo is daba joog ah ayuu la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ku muujiyey sida dowladda Soomaaliya uga xun tahay in dowlado saaxiib la ah oo had iyo jeer ka dalbada inay kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada aysan dhinaca kale ogoleyn in ciidamada Soomaaliya ay helaan awood milateri iyo qalabka ay u baahan yihiin oo ay san dan ka lahayn inay dowladda Soomaaliya ku taageeraan qalabeynta ciidamadeeda.

La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca Amniga ayaa dalalkaasi oo aanu magacaabin ay caqabado iyo xayiraad ku hor gudbayaan dhismaha iyo qalabeyta ciidamada, wuxuuna intaas raaciyey in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto argagixisada xitaa hadii aan wax taagero ah lagu siin.

Ad

Qaraarka Golaha amniga ee lagu kordhiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxaa soo diyaariyey dalka Ingiriiska, waxaana ku taageeray dalalka Mareykanka iyo Fransiiska oo ku jira Golaha Amniga, halka ay Russia iyo China ka aamuseen.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ka mida dalalka taageerada milateri siiya Soomaaliya, isla markaana tababara ciidamada Milateriga, halka ay dhinaca kale ogoleyn in laga qaado xayiraadda hubka ee saarna Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON