Friday, May 17, 2024

Kulankii labaad ee Madaxweynayaasha Mareykanka & W/Kuuriya oo ka bilowday Dalka Vietnam

Kulankii labaad ee madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa goor dhow ka furmay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam.

Hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi ee Kim Jong UN iyo Mareykanka Donald Trum ayaa shirkooda uga wadahadali doona dadaallada la doonayo in hubka Nukliyeerka looga dhigo Korea-da Waqooyi, wuxuuna madaxweyne Trump farriin ka horeysay shirka ku sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay heysato mustaqbal fiican haddii ay ka tanaasusho hubkeeda Niyukliyeerka.

Kulankii hore ee labada hoggaamiye ku dhex maray Singapore ayaa lagu sheegay inuu hordhac ahaa iyadoo aan lagu gaarin heshiis weyn sida uu doonayey madaxweyne Trump, laakiin shirkan ayaa loo arkaa mid lagu xaqiijinayo suuragalnimada heshiis laga gaaro Niyukliyeerka W/Kuuriya.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON