Friday, May 17, 2024

Jabhadda Tigray oo dib u qabsatay Caasimadooda iyo Dabaaldegyo ka socda magaalada Makelle

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray ee TPLF ay qabsatay caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle.

Wakaalada wararka Reuters ayaa kasoo xigatay afhayeenka Jabhadda TPLF inay dib u qabsadeen caasimadda Gobolka Tigray, waxaana magaalada isaga carara maamulkii ay dowlada Itoobiya ka dhistay halkaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in magaalada Makelle ay ka bilowdeen dabaaldeg iyo rasaas cirka loo dirayo markii ciidamada Jabhadda Tigray ay la wareegeen, kana baxeen ciidamadii dowladda Federaalka Itoobiya.

Ad

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay saacado ka hor dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah oo Gobolka Tigray ka dhaqan galeysa.

Ra’iisal wasaarae Abiy Ahmed iyo Xukuumadiisa yaa si joogto ah u diidanaa baaqyada caalamiga ah ee xabbad joojinta bani’aadannimo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON