Sunday, May 19, 2024

Jabhadda ONLF oo si weyn uga hor timid Shidaalka dowladda Itoobiya kasoo saartay Dhulka Soomaalida

Jabhadda ONLF ee ka horjeeda dowladda Itoobiya ayaa ka hor timid shidaalka dawladda Itoobiya ka soo saareyso degaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo sheegtay inay dhiidhin doonaan.

Afhayeenka ONLF Caddaani Hiirmooge ayaa sheegay in iyadoon la xallin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa inaysani Itoobiya hantidoodii u gacan dhaafi karin, kuna quudin dad kale oo Itoobiyaan arrintaas oo ay si weyn u diidan yihiin.

“Anagu Itoobi kama mid nihin, dhaqaalaheeda lama lihin, siyaasadda Itoobiya waxba kuma lihin, dad la haystaan nahay qoribaana lagu qabsaday welina waan diidanayn oo iska caabin baan wadnay, waana sii wadi doonnaa, hantida shacbi Soomaaliyeed baa iska leh Itoobiyana ma laha” ayuu yiri Afhayeenka ONLF oo u warramay BBC-da.

Ad

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo dedejiyay soo saarka shidaalka dhulka Soomaalida Itoobiya oo lagu waday in sanadka danbe la furo, wuxuuna shaaciyey in maalin kasta la soo saari doono 450 foosto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa’iidaan hal bilyan oo doolar.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON