Sunday, May 19, 2024

Gen. Maxamed Aadan: “Waa la qabtay askarigii dilka geystay, sharciga ayaana la hor geynayaa..”

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Aadan Axmed ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay askari ka danbeeyay dil magaalada Muqdisho loogu geystay qof shacab ah.

Isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayuu sheegya kulan ay la qaateen madaxweynaha kadib in inay gacanta kusoo dhigeen askarigii dilka u geystay shalay nin rayid ah oo gaari watay agagaarka KM4.

“Waan haynaa Akarigaas iyo Askar kale oo loo heysto xadgudubyo, waxaana dhamaantood la hor geynayaa sharciga, waxay ka helaan ayayna leeyihiin….” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xooga dalka Gen. Maxamed Aadan.

Ad
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Aadan Axmed

Madaxweyne Farmaajo oo maanta kulan kale la qaatay Taliyayaasha Ciidammada iyo Wasiirka Ammniga ayaa faray inay gacanta kusoo dhigaan askariga loo heysto dilka qofka shacabka ah .

“Looma dul qaadan karo in askarta ay dhibaateeyaan shacabka oo ay dil u gaystaan halkii laga doonayay inay difaacaan…” ayuu laga soo xigtay Madaxweynaha oo maalmihii danbe ku mashquulsanaa la xisaabtanka taliyeyaasha ciidamada dalka.

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON