Wednesday, May 1, 2024

Fal Dil khaarijin ah oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa halkaasi uu ka dhacay dil lagu khaarjiyay mid ka mida ciidamada Sirdoonka iyo nabadsugidda ee NISA.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Dharkeynley, gaar ahaan jiirada Macalin Nuur, waxaana askariga la dilay magaciisa lagu sheegay Feysal Garasow.

Koox ku hubeysan ayaa askariga toogasho ku dishay, kadibna halkaasi ka baxsatay, waxaana goor danbe halkaasi gaaray ciidamada ammaanka.

Ad

Isla goobtaasi ayaa toddobaadkii hore lagu dilay askari kale iyagoo laga qaatay qorigii uu ku hubeysnaa.

Falalka dilalka ah ayaa ku sii kordhaya magaalada Muqdisho, iyadoo aan cidna loo qaban dilalka faraha badan ee caasimadda ka socda.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON