Wednesday, May 22, 2024

Farmaajo: “Waan ku faraxsanahay inaan ku biiro dabaaldega Abiy Ahmed & Shacabka Itoobiya..”

Farmaajo ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Afrika markay la shaqaynayaan dadkooda ay yihiin awood aan la joojin karin

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bogaadin u diray shacabka iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta loo caleemo saaray markii labaad xilka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

“Waan ku faraxsanahay inaan kala qeyb galo Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Ali & shacabka Itoobiya xafladdan taariikhiga ah ee lagu caleemo saarayo Ra’iisal Wasaaraha oon u rajeeyo Dowladda Itoobiya Guul” ayuu yiri Farmaajo oo fariintan ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Ad

Farmaajo ayaa farriintiisa kusoo gabgabeeyay: “Waxaan si adag u aaminsanahay in hoggaamiyeyaasha Afrika, markay la shaqaynayaan dadkooda, kana shaqeynayaan wanaagga mustaqbalkooda guud ay yihiin awood aan la joojin karin”.

Farmaajo ayaa ka mid ahaa madaxda ka eyb glashay caleemo saarka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee mar kale loo dhaariyey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya muddo 5 san sano ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON