Friday, May 17, 2024

Fadeexad: Yuu Cumar C/rashiid u magacaabay xiriiriyaha Guddiga farsamada Madasha Qaran?

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku dhaqaaqay tallaabo kale oo shaki gelisay maamul goboleedyada iyo xubnaha golaha wasiirada kadib markii uu xiriiriyaha guddiga farsamada ee Madasha Wadatashiga Qaran u magacaabay mid kamida gacan-yareyaasha Axmed Madoobe.

Cqani-cumar
C/qani Cabdi Jaamac, Cumar C/rashiid

Waxaa xilkan Ra’iisal wasaaraha u magacaabay C/qani  Cabdi Jaamac oo hadda sii haya xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland, waxaan la yaab leh in Ra’iisal wasaaruhu ninkan ka dhigay mas’uul ka socda xafiiskiisa, iyadoo uu ka mid yahay Golaha wasiirada Maamulka Axmed Madoobe, kadibna xubin cusub oo ah Axmed C/raxmaan Xasan Guddiga ka siiyay isla maamulka Jubba.

Waxaa kaloo shaki weyn laga muujiyay in magacaabiddan ay soo baxday iyadoo Ra’iisul wasaaruhu ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, isagoo arrintan uga sii tegay afhayeenkiisa inuu faafiyo. Siyaasiga C/qani Cabdi Jaamac ayaa wararku sheegayaan inuu si weyn ugu xiran yahay dowladda Kenya oo siyaasadaheeda ka fuliyo Jubbooyinka.

Ad

Arrimahan oo dhan iyo xaaladda kala-guurka ah ee dalku cagta saaray waxay u muuqataa in madaxda sare ay ku dhaqaaqi doonaan ku takri fal awoodeed iyadoo ay jirto cabsi weyn oo ku saabsan faragelin shisheeye iyo dano beeleed oo wada socda, waana fadeexad weyn oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ku dhacay in wasiir ka mida maamulka Jubba oo ka dhigo mas’uul xafiiskiisa ka tirsan.

wareegtoccc

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON