Friday, May 17, 2024

FADEEXAD: Xeer ilaaliyaha Guud & ku xigeenkiisa oo la kala saftay guddoomiye Muungaab iyo Wasiir C/risaaq (Faaqidaad)

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa muuqata inay ka taagan tahay xaalad khilaaf ah kadib markii ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Mukhtaar Nur Abukar uu sheegay in wasaaradda Amniga ay xaq u leedahay inay xirto wadooyinka Muqdisho, ayna tahay hay’adda qaabilsan dhinaca ammaanka oo dhan.

Mungab-dahir-cumar

Warka xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa soo baxay saacado kadib markii xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir uu sharci darro ku tilmaamay warqad ka soo baxday wasaaradda Amniga Gudaha oo Hay’adda WFP loogu fasaxay inay xerato wadada tagta Garoonka diyaaradaha qeybta xigta dhismaheeda, arrintaasi  oo uu ka hor yimid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Muungaab eedeyn ba’an u jeediyay wasiirka Amniga.

Ad

DHAGEYSO CODKA XEER ILAALIYE XIGEENKA

Xeer ilaaliyaha oo barbar taagan Muungaab ayaa isna taageeray tallaabada guddoomiyaha wuxuuna caddeeyay in dowladda hoose ay qaabilsan tahay arrimaha wadooyinka iyo xeritaanka jidadka. Laakiin ila xafiiska xeer ilaalinta ayaa hadalka xeer ilaaliyaha guud ka hor yimid, waxaana mid kamida ku xigeenadiisa uu si cad ula saftay wasaaradda Amniga.

MUXUU SALKA KU HAYAA KHILAAFKA XAFIISKA XEER ILAALINTA?

- Advertisement -

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Shabeelda hoose Mukhtaar Nuur Abukar wuxuu hore u ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Shabeelada hoose, lama oga xilligan xilkan cusub loo magacaabay waxaase ka maqlay isagoo mar waliba ka hadlaya idaacad qura oo Muqdisho ku taalla, idaacadaas oo kaliya uu warka siiyo, wuxuu hore ugu lug yeeshay kiiskii caanka  noqday ee kooxda Alshabaab magaalada Muqdisho ku dileen allaha u naxariistii Nafis Cusmaan Salaad oo ahayd gabar jaamici ah, isagoo damiintay haweeneydii lagu eedeeyay inay geed0-fadhiga u ahayd raggii gabadhaasi dilay ee lagu magacaabi jiray Deeqa Dirac.

Warkii ugu horeeyay ee  Mukhtaar Nuur Abukar laga maqlay isagoo xilkan sheegaya wuxuu ahaa markii uu eedeynta u jeediyay guddoomiyaha  gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen  (Muungaab) iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo ah ninka uuku xigeenka u yahay wuxuuna labada mas’uul ku eedeeyay inay awoodda ku takri falaan oo dad ehelkooda ah ay shaqada u qoraan, xeer ilaaliyaha qaranka ayuu ku eedeeyay inuu 11 qoyskiisa ah kasoo buuxiyay xafiiska markii xilka loo magacaabaya.

Dhageyso wareysigii hore ee xeer ilaaliye xigeenka

Xeer ilaaliye ku xigeenkan ayaa u muuqda inuu khilaaf shaqsi ah kala dhaxeeyo xeer ilaaliyaha guud iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, taasoo uu uga faa’iideysanayo inuu labadaas mas’uul saxaafadda ku weeraro, tani waxay muujineysaa sida hay’adaha sharciga ee dowladda Federaalka  xaalkoodu u liito oo mas’uul kasta danihiisa gaarka ah ku cabirayo sharcigii guud ee la filayay inay fuliyaan.

- Advertisement -

Waa fashil kale oo ku yimid wada-shaqeynta hay’adaha dowlada iyo mas’uuliyiinta iyadoo horeba dowladda federaalka ee Xasan Sheekh hogaamiyo ay ku fashilantay dib u habeyn lagu sameeyo garsoorka dalka oo saddexdii sano ee la soo dhaafay aan horumar sameyn.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON