Monday, May 13, 2024

Faahfaahin ku saabsan Dilal Rag dhalinyarro oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dilal ka djacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Wiil dhalinyaro ah ayaa xalay toogasho lagu diley magaalada Jowhar, kaasoo lagu magacaabi jiray Cismaan Raagge, waxaana wiilkan lagu dilay agagaarka buundada magaalada Jowhar, iyadoo aan la helin ciddii dilka geystay.

Isla xalay waxaa magaalada Jowhar sidoo kale lagu ayaa wiil kale oo dhalinyaro, wuxuuna dilkiisa ka dhacay xaafada Horseed ee magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in dilka wiilkan uu yimid kadib muran dhex maray askari ka tirsan ciidamada maamulka.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in dilka wiilka labaad oo isna dhalinyarrada ahaa loo xirey saddex askari oo ka tirsan ciidamada Booliska kuwaasoo xilligaasi ku sugnaa meel halka uu dilkaasi ka dhacay.

Ciidamada amniga magaalada Jowhar ayaa baaritaan ku wada falalka dilalka ah ee ka dhacay magaaladaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON