Sunday, April 28, 2024

Faahfaahin: Khilaaf ka dhex qarxay Wasiir Maareeye & Hobollada Waaberi (Akhriso Jawaabta culus ee Wasiirka)

Waxaa isku dhac iyo khilaaf weyn ka dhex taagan yahay Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya iyo Hobollada Waaberi, kaasoo keenay in Wasiirka Warfaafinta uu amar ku bixiyo inuusan Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka soo geli karin xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Abwaanada iyo mas’uuliyiinta Hobollada Waaberi oo uu la socdo Maareeyaha Golaha Murtida ee Tiyaatarka Qaranka Abwaan C/qaadir Cabdi Yuusuf Shubbe ayaa shalay laga celiyey xarunta wasaaradda warfaafinta markii loo sheegay in Wasiir Maareeye uu amar ku bixiyey inuusan agaasimaha Tiyaatarka soo geli karin Wasaaradda.

Shir jaraa’id oo ay qabteen abwaanada iyo fannaaniinta waaweyn ee hobollada Waaberi ayaa lagu sheegay inuu Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) uu ku kacay fal la yaab leh iyo gef weyn amrkii uu wasaaradda u diiday Abwaan Shube, waxayna madaxda sare ugu baaqeen inay arrintaas arkaan.

Ad

Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf iyo Oday Cabdulle ayaa saxaafadda u sheegay inuu Wasiir Maareeye tacadi weyn kula kacay Hobollada Waaberi oo dhan mar haddii uu wasaaradii Warfaafinta u diiday Maareeyaha Tiyaatarka, waxayna si weyn u cambaareeyeen tallaabada uu ku dhaqaaqay Wasiir Maareeye oo ay sheegeen inuu qol ku xirtay qalab ay dowladda u soo iibisay Hobollada Qaranka.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta looga jawaabay qeylo dhaanta Abwaannada Hobollada Waaberi, waxaana qoraalka lagu kala saaray oo lagu faahfaahiyey shaqada Maareeyaha Tiyaatarka iyo Agaasimaha Kooxda Waaberi, wuxuuna Wasiir Maareeye ku eedeeyay qaar ka mida hobollada Waaberi oo bishii dowladda ka qaata lacag ku dhow 1000 Doolar inay warbaahin gaar loo leeyahay ugu shaqeeyaan 200 doolar, isagoo ku hanjabay inay dhammaatay waqtigii isla xisaabtan la’aanta.

Wasiir Maareeye oo tan iyo markii uu yimid wasaaradda warfaafinta xilka ka qaaday lix agaasime ayaa hadda khilaaf kale oo weyn ka dhex qarxay hobollada Waaberi, iyadoo in muddo ah laga sheeganayey amar-ku-taagleynta uu wasiirku kula kacay wasaaradda iyo hay’adaha hoos yimaada.

No photo description available.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON