Friday, May 17, 2024

Faahfaahin ku saabsan Askari iska dhigay Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu dilay Bar Koontarool oo ciidamo uu ka tirsanaa ku lahaayeen Xaafadda Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu isku dayey inuu Mooto Bajaaj ka gudbiyo bartaasi.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada ku sugnaa Barta koontorol ay rasaas ku fureen, isagoo goobta ku dhintay markii muran uu dhex maray, kadib markii uu Mooto uu watay nin ay saaxiibo ahaayeen uu isagu Darawal ka noqday si uu u dhaafiyo Koontaroolka ciidamada oo loo diiday bajaajlaha, taasoo keenay inay is mari waayaan ciidamada iyo askariga, kadibna ay rasaas ku fureen, halkaasina uu ku geeriyooday.

Wadadda ayaa la sheegay inay xirned kadibna askariga uu la wareegay Mootada saaxiibkiis oo isagu dhinaca danbe fariiistay, laakiin waxaa Mooatada hor istaagay askartii oo dood dheer kadib ay dhacday in rasaas lagu furo, halkaasina uu askari kale ku dilo.

Ad

Waxaa kaloo falkan ku dhaawacmay Darawalkii Mootao Bajaajta oo la sheegay in xaaladisa ay culus tahay, iyadoo loola cararray Isbitaallada Magalada Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON